wararka ka imaanaya gobolka hiiraan ayaa waxa ay kusoo waramayaan in markale xalay magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ay ka dheceen bananbaxayo rabshada wata.
Bananbaxyadaan ayaa waxa la sheegay in ay soo abaabuleen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada baladweyne iyadoona la sheegay in dadka banaanbaxa dhigayay ay kasoo horjeedeen maamulka cusub ee hirshabeele uu dhawaan uu yeeshay
Wararka ayaa waxa sheegayaan in dadkaan ay taageersanyihiin general abuukar xuud kaasi oo ku sugan duleedka magaalada baladweyne islamarkasna si weyn uga soo horjeeda maamulka cusub ee hirshabeele.
Banan baxayada ayaa xalay marlake gilgilay magaalada baladweyne ,waxaana la sheegay in banaanbaxyadaan ay ahaayeen ku rabshada wata oo ay dadku gubayeen taagiro islamarkaasna ay tuuryeeynayeen goobaha ganacsi ee furan
Maalmihii lasoo dhaafay waxa socotay wan wan laiskugu keenyo maamulka cusub ee hirshabeele iyo general abuukar xuud kaasi oo ka careysan doorashadii ka dhacay deegaanada maamulka hirshabeele oo uu ku tilmaamay in ay aheyd mid musuq maasuq iyo fara galin ku dhacay islamarkaasna uusan aqoonsaneyn madaxweynaha cusub ee hirshabeele cali guudlaawe
Maamulka cusub ee hirshabeele dhankii waxa uu sheegay in ay doonayaan in waxkasta oo jira ay ku xaliyaan wada haldal islamarkaasna ay ka cararayaan in diigdaado balse taasi waxa moodaa in aysan dhaboobin ka dib markii shalay ciidanka dowladda la sheegay in ay weerar xoogan ku qaadeen maleeshiyaad taabacsan generaal abuukar xuud oo ku sugnaa duleedka magaalada baladweyne
Waxaana sidookale dagaalkaan uu imaanaya xilli la sheegay in dilal la xariira aanooyin ay si daba joog ah uga dhacaan deegaanada hoosyimaada gobolka hiiran
Waxaana xusid mudan in xalay naba doon caan ah ka ahaa magaalada baladweyne lagu dilay xaafada howlwadaag ee degmada balaweybne islamarkaasna aan la ogeyn ilaa iyo hada sababta keentay dilkaasi
Sidookale ma ahan markii ugu horeysay oo banan baxyo nuucani oo okale ah ay ka dhacaan magaalada baladweyne
Waxaana maalin ka hor ka dhacay bananbaxayo nuucaan oo kale ah islamarkaasna looga soo horjeeeday maamulka cusub ee hirshabeele

