Shirka Musharaxiinta Madaxweynaha Oo Goordhaw La Filayo In War murtiyeed Laga Soosaaro

0

war murtiyeed ayaa waxa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ee maanta in laga soo saaro shirka musharaxiinta mucaaradka kaasi oo maalmo dhowr ah ka soconayay magaalada caasimada ah muqdisho

shirka ayaa waxa la sheegay in looga hadlayay arimo badan oo kusaabsan doorashooyinka dalka iyo madmadowga ku jira

waxaana la sheegay in musharaxiinta doonaya xilka madaxweynaha iyo qeybaha kala duwan ee kasoo  qeyb galay shirka sida Gudoonka labada aqal ee barlamaanka somaliya madaxda warbaahinta dalka iyo shaqaalaaha rayadka ah ay ka doodeen sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalal ah oo loo wada dhanyahay

shirka ayaana waxa la sheegay in galinka hore ee maantaba la rajeynayo in laga soo saaro war murtiyeed ku qotoma arimaha doorashooyinka dalka

musharaxiinta mucaaradka ee utartamaya qabashada xilka madaxeynaha dalka ayaa waxa ay sheegeen in madaxweyne farmaajo uu fashilmay islamarkaasna ay doonayaan in ay toosiyaan

shirka musharaxiinta madaxweynaha jamhuuriyada ayaa yimid kadib markii ay walaac xoogan ka muujiyeen guddiga doorashada ee ay magacowday dowladda islamarkaasna ay ku eedeeyeen in lasoo xulay xubno ka tirsan shaqqalaha rayadka ah iyo hay,ada nabad sugida iyo  sirdoonka qaranka

waxaana xusidmudan in madaxda dowladda ee  haatan tadalada dalka haya aysan dhag jalaq usiin walaac iyo qayladhaanta kasoo yeeraysa musharaxiinta doonaya in ay ku tartamaan qabashada xilka madaxweynaha dalka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here