Saacadiihii lasoo dhaafay ayaa waxa lasoo sheegaya in muwaadiniin somaliyeed dil iyo dhaawac loogu geestay gobolka alperto ee dalka canada
Muwaadiniintaan somaliyeed ayaa waxa la sheegay in ay ahaayeen laba wiil oo dhalinyaro ah kuwaas oo iyagoo wada fadhiya ay kooxa hubeysan weerar ku qaadeen
Waxaana wararku sheegayaan in muwaadiniinta somaliyeed mid ka mid ah uu ku geeriyooday rasaas ay kooxda hubeysan ku furtay halka midka kale uu dhaawacmay
Ciidamada booliska dalka canada ayaa waxa ay sheegeen in ay baaritaano xoogan kuwadaan sidii uu u dhacay weerarkaan iyo ragii ka dambeeyay
Maaaaaaaan soo dhaafnay ayaa waxa lasheegay in ay gudaha dalka canada ay ka jireen beegsi dhanka dadka kala duwan ee kusugan dalka ka canada
Iyadoona aysan cadeyn in weerrarka lagu dilay muwaadiniinta somaliyeed uu la xariiro beegsigaasi
Dalka canada ayaa kamid ah dalaalka qaabilay qaxooti badan oo somali ah iyadoona sidoo kale ay kusugan yihiin arday somaliyeed oo wax ka bararata jamadacaha ku yaal canada iyo kuwa kale oo muwaadiniin somaliyeed ah oo ku ganacsada gudaha dalka canada
Dhamaan muwaadiniinta somaliyeed ee ku sugan canada ayaa walaac xoogan ka muujiyay falka lagu dilay laguna dhaawacay wiilasha somaliyeed

