waxa wali magaalada caasimada ah ee muqdisho ka soconaya shirka wada tashiga ee ay yeelanayaan musharaxiinta xilka madaxeynaha jamhuriyada faderaalka kuwaasi oo wali ka walaacsan guddiga doorashada ee ay magacowday dowladda faderaalka somaliya
shirkaan ayaa maanta galaya maalintii sadexaad waxaaana ay musharaxiinta madaxweynaha jamhuuriyada faderaalku ay maamul goboleedyada hirshabeele koonfur galbeed iyo galmudug ay ka dalbadeen in ay hubiyaan giddiyada ay soo magacaabeen in ay buuxiyeen shuruudaha looga baahanyahay giddiga doorashooyinka taasi oo ah in uu ka madaxbanan yahay shaalaha rayadka ah iyo hay,ada nab sugida nisa iyo taageerada musharax madaxweynaha hatan talada haya maxamed cabdulahi farmaajo
Sidooakle waxa ay bayaan kooda ku cadeyeen in ay ogaadeen in guddiyada ay soo magacaabeen maamulada jubbaland iyo putland aysan buuxin shuruudaha islamarkaasna loo baahanyahay in ay badalaan xubnaha ay soo magacaabeen
shirka waxa la sheegay in ay kusoo biireen culimada soomaaliyeed kuwaasi oo iyaguna la sheegay in ay la socdeen qilaafka arimaha doorashooyinka ee dalka ka jira
waxaana ay soo saareen bayaan ay uga hadlayaan in lagu xaliyo qilaafaadkaasi iyagoo ku baaqalay alla ka cabsi iyo looturo shacabka somaliyeed
madaxda ugu sareysa dalka ayaa u muuqda kuwa ku adkeysanaya guddiga doorashada ee la magacaabay kaasi ay qeyladhaan xoogan ka muujinayaan musharaxiinta utartamaya xilka madaxweynaha jamhuriyada faderaalka somaliya
waxaana wali laga war sugayaa waxa uu kusoo gabgaboobo shirka musharaxiinta mucaaadka ah kuwaasi oo shirkoodu uu yahay sadex maalin maantana galaya maalintiis ugu dambeysay

