Shirka u dhaxeeya Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta maalintii labaad ka dhacaya Hoteelka Jaziira ee Magaaladda Muqdisho.
Shirka oo maalintii shalay aheyd furmay ayaa waxaa ka qeyb galaya Xasan Cali Kheyre, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabduqaadir Cosoble Cali, Daahir Maxamuud Geelle, Musstaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale.
Qodobadda ugu badan ee shirka diiradda lagu saarayo ayaa ah doorashadda Soomaaliya ka dhacaysa sanadkan 2021-ka.
Sidoo kale Musharixiinta ayaa cabasho ka keenay in guddiyada magacaaban ay maamulaan doorashada dalka, iyagoo aaminsan in aysan doorashadu noqonayn mid xor ah iyo xalaal ah, maadaama xubnaha guddiyadaas ay yihiin kuwo laga soo kala xushay NISA iyo shaqaalaha dowladda.

