Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in agaasimaha Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya Fahad Yaasiin, uu dalka dumin kuwado.
Waxa uu sheegay in uu horey usoo dumiyay Madaxtooyadda Soomaaliya,sidoo kalana uu dumiyay xiligaan Taliskii Nabadd Sugidda iyo Booliska Soomaliyeed oo kala ahaa labo Hay’adood.
“Fahad Yaasin Madaxtooyada ayuu Agaasime ka noqday waa la ogyahay wixii Madaxtooyada ka dhacay intuu agaasimaha ka ahaa, Hay’adda Nabad sugidda ayuu tagay waa la ogyahay wixii Nabad sugidda ka dhacay, wuu kala diray Nabad sugidda, Fahad wuu dumiyay Hay’addii Nabad sugidda, kaligoodna ma duminine ciidanka booliska soomaaliyeed-na wuu dumiyay, maantana Siyaasadda waxa dumanaayo waa isaga, Waxaan rabaa Shacabka Soomaaliyeed inaan u sheego Fahad Yasin wuxuu ka shaqeynayaa burbur dowlad-nimo, horay waan ugu sheegnay si hoose, hadana si lawada arkaayo ayaan ugu sheegeynaa, Siyaasadda Dalkaan in la dumiyo ma ogolaaneyno”, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Agaasimaha Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa haatan la rumeysan yahay in uu saameyn ku leeyahay siyaasadda dalka.

