Qalbi Dhagax:-“Dambi Kasta oo Dhacay Qeybta Koowaad Waxaa is ka leh Farmaajo”,!

0

C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo kamid ahaa ONLF ayaa soo dhaweeyay go’aankii Raisulwasaarihii Hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu qaatay ee ahaa raaligilintii dhibkii ka dhacay guriga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur.

Waxa uu sheegay in Kheyre uu kaalin kulahaa dhiibistii loo dhiibay Dowladda Ethopia,loona baahan yahay in uu ka garaabo.

“Cidii la rabay inay in difaacdo Dastuurka, inay difaacdo midnimada dalka waxay aheyd Madaxweynaha oo isaga ayaa loo igmaday oo loo doortay,dambi kasta oo dhacay qeybta koowaad ama mas’uuliyadda koowaad waxaa is ka leh Madaxweynaha ummaddaan dooratay, dadka intiisa kale digreeto Madaxweyne lagu soo magacaabayay oo Baarlamaanka lagu geynayay, Mas’uuliyadda koowaad waxay fuuleysa oo lagala xisaabtami oo is ka leh Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo”ayuu yiri C/kariin Qalbi Dhagax.

Dhanka kale C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa sheegay in Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), aan lagu aamini karin dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here