Al-shabaab oo La Wareegay Degmadda Qansaxdheere ee Gobolka baay.

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax iyo dagaal ka dhacay degmada Qansaxdheere ee Gobolka baay.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamadda Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya qaraxa Miino lagula eegtay Degmadda,waxaana xigay dagaal dhexmaray Shabaab iyo Ciidamadda Ethopia.

Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in qaraxa miino lagu gubay mid kamid ah gaadiidka Ciidamadda Ethopia,islamarkana laga dilay 2-askari.

Sidoo kale Shabaab ayaa sheegay in saacado kooban ay la wareegeen degmada Qansaxdheere ee Gobolka baay ee Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka AMISOM oo loogu hadlaayo qaraxa iyo dagaalka ka dhacay degmada Qansaxdheere ee Gobolka baay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here