Dowladda Ethopia oo 3 kun Askari Kala Baxaysa Gudaha Dalka Soomaaliya

0

Dowladda Ethopia ayaa qorsheynaysa in Soomaaliya ay kala baxdo Kumaan askari kuwaasi oo la qorsheynayo in ay kamid noqdaan howlgalka ka dhanka ah Kooxda TPLF ee ka socda waqooyiga dalka Itoobiya.

Saraakiil ka Tirsan Dowladda Ethopia ayaa laga soo xigtay in ciidamadda Somaaliya laga saarayo aysan kamid aheyn howlgalka AMISOM,islamarkaana la doonayo in ay ka qeyb qaataan howlgalka ka dhanka ah Kooxda TPLF ee ka socda waqooyiga dalka Itoobiya.

3 kun askari oo aan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa laga saarayaa Soomaaliya, sida qorshaha uu yahay.

Dagaalka ka socda gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigray, saameyn xun kuma yeelan doono mustaqbalka Itoobiya oo kali ah, balse waxaa uu saameyn halis ah ku yaalanayaa dalalka dariska al ah.

Dagaalkan ayaa ka dhashay xiisad muddo dheer u dhaxeysay TPLF iyo dowladda fedaraalka, balse kumannan qaxooti ah ayaa durbadiiba u qaxay dalka Sudan taasi oo muujinaysa saameynta dagaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here