Ana Sayfa Wararka Putland Oo Sheegtay In Ay Gacanta Kusoo Dhigtay Shabakad Al-Shabaab Ah

Putland Oo Sheegtay In Ay Gacanta Kusoo Dhigtay Shabakad Al-Shabaab Ah

0
Putland Oo Sheegtay In Ay Gacanta Kusoo Dhigtay Shabakad Al-Shabaab Ah

Wararka imaanaya magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada booliska gobolka mudug qeybta puntland ay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen shabakad al-shabaab  uqaabilsaneyd dilalal  iyo qaraxyada ka dhaca deegaanada gobolka mudug gaar ahaana magaalada gaalkacyo

Wararka ayaa waxa ay sheeegayaan in Ciidamada amaanka booliska gobolka mudug qeybta puntiland howlgalo qorsheeysan oo ay ka fuliyeen magaalada gaalkacyo ay kusoo qabteen shabakad alshabab ah oo ka howlgaleysay gudaha magaalada gaalkacyo

Saraakiisha ciidanka booliska ee howgaladaan oo gaaminayay oo warbaahinta si kooban ula hadlay ayaa wax ay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen shabakad alshabaab ah oo ka kooban ilaa iyo 7 xubnood

Waxaana ay sheegeen in ay shabakaadaan ay soo qabteen ay ku jiraan laba amiir islamarkaasna  ay qirteen in ay ka tirsan yihiin dagaalamyaasha  al-shaabab

Saraakiisha ciidamada booliska gobolka mudug ayaa waxa ay sidookale sheegeen in shakadaan ay kuwadaan baaritaano dheerad ah islamarkaasna wixii kazoo baxa ay lasoo wadaagidoonaan warbaahinta

Mudooyinkii ugu danbeeyay deegaanada hoosyimada gobolka mudug gaarahaana magaalada gaalkacyo waxa ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay fulinayaan kooxa hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn kuwwasi oo marka ay dilka geeytaan kadib goobta iskaga baxsa

Waxaana ciidamada amaanka gobolka mudug ay howlgalo balaaran la sheegay in ay kawadeen deegaanada gobolka mudug kuwaasi oo ay ku sheegeen in ay ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay falalka amnidaro ee ka dhaca gobolka mudug

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here