Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka Dhacay inta u dhexeysa Hotelka Dayax iyo Sayidka ee wadada Maka Al Mukarama.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya In qaraxa oo ahaa Miino dhulka la galiyay In lala eegtay Sanator Dufle oo kamid ah Xildhibaanadda golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.
Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa halkaas gaaray, kuwaasoo xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana socda baaritaano.