Maxkamadd Ku taala dalka Mareykanka gaar ahaan Magaaladda Minneapolis ayaa xukun 13-sano oo xarig ah ku riday Nin u dhashay dalkaas.
Leroy Davis-Miles, oo 24-sano jir ah, ayaa lagu xukumay Maxkamadda Degmada Hennepin Jimcihii kadib markii lagu cadeeyay in uu si ula kac ah u dilay Shirwa Xasan Jibriil sanadkii hore ee 2019-kii.
Sida laga soo xigtay dukumiintiyada maxkamadda Davis-Miles iyo saaxiibbadiis waxay saarnaayeen bas waxaana u yimid Shirwac Xasan Jibriil wuxuuna ka codsaday in fowdada ka joojiyaan baska.
Davis-Miles iyo kooxdiisu waxay ku hanjabeen inay garaaci doonaan Jibriil markii laga dago baska.
Fiidiyowga dabagalka iyo markhaatiyaasha ayaa u sheegay booliska in Davis-Miles uu ag istaagay Jibriil ka hor inta uusan u soo dhowaan oo uu feedh ku dhufan hal mar, isagoona si xun u garaacay.
Jibriil waxa uu ku dhacay dhulka taasina waxa ay keentay in waxyeelo ay soo gaarto.
Dagaalka ka dib Davis-Miles wuxuu u gacan qaaday mid ka mid ah saaxiibbadiisa iyadoo Jibriil uu miyir daboolmay oo uu dhulka ku dhacay.
Sida Booliska Magaaladda Minneapolis ee dalka Mareykanka ay xaqiijiyeen Shirwa Xasan Jibriil ayaa dhintay lix maalin kadib markii la jirdilay.
Qoyska Shirwac ayaa sheegay in uu ahaa wiilkooda aabe leh sideed caruur ah,wuxuuna Mareykanka galay sanadkii 2007-dii isagoo ku noolaa xiliyo kala duwan Bariga Dhexe, Talyaaniga iyo Jarmalka.
Dhacdooyinka noocaan oo kala ah ayaa sanadihii dambe ka dhacayay dalka Mareykanka magaalooyinkiisa waa weyn,waxaana geysanayay dadka cadaanka.