Wararka aan ka heleyno gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamada liyuu booliis ay bur burin xoogan ka wadaan xuduud beenaadka gobolka galgaduud uu la wadaago dhanka itoobiya
Waxaa marba marka ka danbeysa isi soo tareeysa cabashada kasoo yeereysa dadka shacabka ee ku dhaqan xuduud beenadka ay wadgaan somalia iyo ethoobiya
Afhayeenka ciidanka daraawiishta dowlad goboleedka galmudug oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in ciidamada new booliis ay bur burin ka wadaan tuulooyin badan oo hoostaga gobolka galgaduud islamarkaasna ay dhibatooyin ku hayan dadka shacabka ah ee dagan xuduudka
Waxaana uu tilmaamay in ciidamada new booliis ee ay maamusho dowladda ethoobiya ay dad shacabka oo xoola dhaqata ah ay kuwadaan barakicin islamarkaasna ay ka aaseen barakado iyo ceelal ay lahaayeen
Tuulooyinka ay ciidamada new booliis dhul balaarsiga ka wadaan ayaa waxa uu afhayeenku ku sheegay, Kaxan dhaale , Rugunbaaga, Bali boor ,Dacdheer iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka galduud
Dhankakale Afhayeenka ciidamada daraawiishta galmudug ayaa waxa uu ciimada new booliis uu ugu baaqay in ay joojiyan dhulbalaarsiga iyo barakicinta dadka shacabka ah hadii kale oo ay sii wadaana waxa uu afhayeenku sheegay in ay dagaal ugu jawaabi doonan
Ciidamada liyuu booliis oo ka amar qaata dowladda dalka ithoobiya ayaa waxa la sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay xuduud beenadka ay wadagaan Somalia iyo ethoobiya ay wadan bur burin iyo barakicin
Waxaan arintaasi ka carooday saraakiisha ciidamada dowladda faderaalka ah kuwaasi oo sheegay in aysan u dulqaadan doonin daandansiga ay wadan ciidamada new booliis

