Gudoonka Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeele oo Jowhar Lagu Doortay

0

Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa doortay Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle.

Xildhibaanadda ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle u doortay Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed.

Xildhibaanada ayaa waxay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad u doorteen Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle, ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamaayay ee Saadaq Salaad Warsame.

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxaa loo doortay Mahad Xasan Cismaan, kaasoo ka adkaaday haweeneydii keliya ee Guddoonka Baarlamaanka u tartameysay waa Canab Axmed Cismaan.

Dhammaan Xubnaha Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxay yihiin kuwo cusub, iyadoona uu meesha ka baxay Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Hirshabelle

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here