Madasha Xisbiyadda qaran ee Dalka Iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa loogu digay in ay saameyn ku yeeshaan dhismaha Dowladd Goboleedka Hir-shabeelle oo haatan maraya meel xasaasi ah.
Pro Daqare oo kamid ah aqoonyahadda Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ayaa ugu baaqay xisbiyadda Mucaaradka gaar ahaan Madashadda Xisbiyadda Qaran iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay faraha kala baxaan arrimaha dhismaha Hir-shabeelle.
Aqoonyahanka ayaa soo jeediyay in arrimaha dhismaha Maamulka Hir-shabeelle,loo daayo dadka reer Hir-shabeelle,islamarkaana aan lagu faragalinin.
Hadalka Pro Daqare oo kamid ah aqoonyahadda Soomaaliyeed ayaa imaanaya xili Madasha Xisbyadda Qaran ay haatan saameyn ku leeyihiin arrimaha Doorashadda Mamulka Hir-shabeelle.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo xubno ka Tirsan Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa markii labaad gaaray Magaaladda jowhar ee Caasimadda Maamulka hir-shabeelle.
Shariifka ayaa halkaas kula kulmay odayaasha iyo Madaxda Hir-shabeelle,wuxuuna kala hadlay in si daganaan ah loo wajahano dhismaha Maamulka Hir-shabeelle.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shaqsi ka socda Madasha Xisbiyadda Qaran la doonayo in uu noqdo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Maamulka Hir-shabeelle ee doorashadiisa maanta ka dhacayso Magaaladda Jowhar.

