Laamaha Amaanka Putland Oo Soo Bandhigay Rag Kufsi iyo Dil Gabar Yar Ugu Geestay Magaalada Boosaaso

0

Taliska booliska gobolka bari ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan laba nin oo dil iyo kufsi iskugu daray marxuumad naciimo cabdi maxamed taasi oo meydkeeda laga helay gudaha magaalada boosaaso

Labada nine e lasoo bandhigay ayaa qirtay in ay marxuumada kufsadeen markiidanbana ay dileen

Taliska booliska gobolka bari ayaa la sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay baaritaano ku hayaan ragaan islamarkaasna ay gacanta kusoo dhigeen

Taliyaha ciidan booliska gobolka bari xuseen cali maxamuud oo warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegay in soo qabashada ragaan ay iska kaashadeen dadka shacabka ah iyo ciidamada amaanka

Waxaana uu sheegay makamada ay horgeydoonan ragaan iygoona tliyuhu dhankale  shacabka boosaaso uu uga mahadcelinayo gacanta ay siiyen ciidamada amaanka.

Taliska booliska gobolka bari ayaana wacad ku maray in aysan aqbali doonin in shacabka la dhibateeyo

Tani ayaa kusoo aadeysa xili muddoyinkii dambe ay sii kordhayeen falalka laxariira kufsiga iyo dilka laiskugu darayo gabdhaha yar yar iyadoona ay xusid mudantahay in rag badan falalka nuucani oo kale ah loo maxkamadeeyay.

Sawiradooda Hoos Ka Arag

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here