Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax ka dhacay Deegaanka Siinka Dheer ee Duleedka Magaaladda muqdisho.
Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa lala beegsaday gaari uu la socday Taliye ku xigeenkii deegaanka Siinka dheer oo lagu magacaabo jiray Cali Xuseen.
Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in sarkaalka uu goobta ku dhintay,sidoo kalana ay waxyeelo ay soo gaartay xubno la socday.
“Qarax dhulka la galiyay ayaa lala eegtay gaari uu watay Taliye ku xigeenkii deegaanka Siinka dheer oo lagu magacaabo jiray Cali Xuseen,taliyaha goobta ayuu ku geeriyooday”, ayaa lagu yiri warka.

