Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ayaa maanta dhageysan doona Khudbadaha Mushariixiinta Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle iyo Labadda ku-xigeen.
Doorashadda gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle waxaa u taagan laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir.
Xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa waxaa u tartamaya oo la guddoonsiiyay shahaadooyin Siraaji Sheikh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.
Sidoo kale xilka Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka ayaa waxa u tartamaya 2aad Musharax oo kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise .
Waxaa meesha ka baxay Guddoonkii Hore ee Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle,kuwaasi oo markaan aan musharaxnimadooda ku dhawaaqin.
Amaanka Magaaladda Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana amniga sugaya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hir-shabeelle.
Doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle ayaa dhici doonta maalinta bari oo arbaco sida ku cad doorashadda ee lasoo saaray.

