Sida ku xusneyd heshiiska dowlada federaalka Somalia iyo maamul Goboleedyada waxaa weli taagan dib udhaca soo magaacabista guddiyada doorashada oo ay maamul goboleedyada iyo dowlada federaalka Somaalia ay ku heysheiyeen in lasoo magacaabo inta lagu gudo jiro bishaan ocotober ee sanadkaan.
Waxaa lagu heshiiyay in 20ka October ee bishaan lasoo wada gudbiyo dhamaan guddiyada matalaya maamulada balse heshiiskaas ayaa noqday mid aan sidii la rabay u hirgalin waxaana jirta in maamulada qaar aysan wax guddi ah soo gudbin markii lagaaray xiligii lagu madalsanaa iney soogudbiyaan guddiyadii matali lahaa.
Injineer Xasan Sahal oo kamid ah dadka falanqeeya Arrimaha siyaasadda oo la hadlay warbaahinta Simba ayaa sheegay in ay beesha caalamka la’aantooda aysan dowlada iyo maamulada waxna aheyn asigoo sheegay in siyaasiyiinta markii lagaaro xiliyada dooroshada midwalba uu ucararo wadamada kale si ay ugu tageeraan inuu siyaasiga ku guuleysto doorashadda asigoo sidoo kale sheegay in wadamada qadar, imaaraadka iyo kuwokale oo ay kujiran kenya iyo ethopia ay teegeero kadoontaan siyaasiyiinta xildoonka ah.

