Ciidamada xooga dalka gaar ahaana Qeybta 27-aad ee xoogga dalka ayaa hawlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Maxaas iyo Baladweyne ee gobalka Hiiraan ayaa waxaa la sheegay in ay kaga hor tageen isku day ay dagaalamayaasha Al-shabaab ku doonaysay inay halkaasi shacabka dagan uga qaado lacago baad ah oo ay Zako ku magacaabeen sida lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda .
warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab ay qof rayid ah oo amarkooda diiday ku dhaawaceen Isgoyska Filaay oo 25-km dhinaca woqooyi ka xiga degmada Maxaas, taas oo keentay inay ciidamadu halkaasi tagaan, kana cayriyaan alshabaabka sida dhuumaalaysiga ah ku soo galay, sidaasi waxaa warbaahinta Qaranka u sheegay Ammaanduulaha guutada 5-aad ee qaybta 27-aad Kornel Cabdullaahi Barre.
Ammaanduulaha ayaa xusay inay sii wadayaan hawlgalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-shabaab, iyagoo sheegay in ay hubinaya in wadooyinka Maxaas iyo deegaanada ku xeeran Baladwene in si nabadgalyo ah shacabku ku maraan.
Kornel Cabdullaahi Barre waxa uu digniin u diray dadka xilliyada qaar isku daya inay isbaaro dhigtaan jidkaasi, isagoo xusay in aan la aqbali karin tallaabo kasta oo sharci darro ah, caqabadna ku noqon karta hawlaha amniga gobolka Hiiraan.

