Xildhibaanada Barlmaanka Cusub Ee Maamulka Hirshabeele Oo Maanta la Dhaarinayo

0

Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu waddaa in maanta ay ka dhacdo munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 2-aad ee dawlad goboleedka Hirshabeelle.

Munaasabadda dhaarinta sida qorshuhu yahay waxaa ka qeyb geli doona mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad.

Sidoo kale Jowhar waxaa ka socda dhammaystirka xubnaha ka dhiman Baarlamaanka, oo ay ka harsanyihiin in la soo magacaabo kuraas ka yar 10-xubnood.

Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Jowhar ka dhici doonta maalmaha soo socda.

tan ayaana waxa ay imaanaysaa xili maamlmihii dambe uu khilaaf xoogan ka taagnaa doorashada maamulka hirshabeele islamrkaasna aan la shaacin waxa qilaafkaasi laga gaaray

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here