Deegaano ka tirsan gobolka jubbada hoose waxa laga soo sheegaya xaalado nolal xumo oo soo wajahaday dadka ku dhawan koonfurta magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose
Deegaanka kudhaa oo ka tirsan gobolka jubbada hoose ayaa hada waxa laga soo sheegayaa qeylodhaan xoogan kadibkii ay soo foodsaartay dadka deeganka biyalaan iyo xaalado kale oo dhanka nolasha ah oo liita
Gudoomiyaha dhaliyarada degaanka kudhaa Cabdi cusman aadan oo lahadlay idaacada simba ee muqdisho ayaa sheegay in xaalada nosha ee deegaanka ay tahay mid aad u dag oo ay ka jirto biyo la,aan caafimad daro iyo dhibaatoyinka xaga nolasha ah oo badan
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in loobahanyahay in gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadka ku dhaqan kudhaa oo uu sheegay in hada ay wajahayaan xaalado nololeed oo liita.
Waxaa uu sheegay in maamihii dambe deegaanka kudhaa ee gobolka jubbada hoose uu la daaladhacayay dabeylo xoogan oo ku dhuftay qeybo ka mid ah deegaanka haatana ay dadka deeganku la dhibaatoonayaan biyo la,aan iyo xaalad nolal xumo oo daran
Dhankale gudoomiayaha dhaliyarada deeganka kudhaa ayaa ugu baaqay dowladda faderaalka ah ee Somalia in ay usoo gurmato dadka nolool kumada iyo biya la,aantu ay ku heysto deegaanada dhaca gobolka jubbada hoose
Deegaano ka tirsan gobolka jubbada hoose waxa mudooyinki dambe laga soo sheegayay sameynta dabeylo xoogan oo ku dhuftay deegaanada dhaca xeebaha
Waxaana ay dabeylahaasi ay samey ku yeesheen dadka deegaanka hadana waxa laga soo sheegayaa xaaladoo nololeed oo adag islamaraaksana ay koow ka tahay biyo la,aan heysata dadka deegaanka kudhaa

