Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Oo Israsaaseyn Dhexmartay iyo Qasaare Ka Dhashay

0

Wararka ka imanaya deegaano ka tirsan maamulka galmudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ay xalay uu dagaal dhexmaray islamarkaasana  isrsaaseyn kooban ku dhexmartay deeganka ka tirsan magalaada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug.

Israsaareynta ayaa waxa la sheegay in ay ka dhacday deegaanka ceel dheere oo an sidaas kaga fogeyn magaalada dhuusamreeb waxaana la sheegay in ciidamada israsaaseyntu dhexmartay ay ahaayeen ciidamo iskugu jira milatari iyo boolis oo ka wada tirsan ciidamada dowlada

Wararka ayaana sheegaya in qasaare kala duwan uu ka dhashay isku dhac labada ciidamada dowladda

Waxaana la sheegay in israsaaseyntu ay timid oo kadib markii laba ciidamadu ay kala shakiyeen islmarkaasna ay ciidamadu ay ahaayeen ku farabadan oo ka mid ahaa ciidamada sugay amaanka magaalada dhuusa mareeb casimada maamulka galmudug

Sidookale waxa ay wararku sheegayaan in ilaayo halka askari oo ciidamada israsaaseyay ah ayaa la sheeegay in uu ku dhaawacmay iska hor imaadkaasi dhexmaray ciidamo kawada tirsan dowladda

Ciidamo farabadan ayaa ku sugan magalada dhuusamareb oo ka tirsan ciidamada dowladda kuwaasi oo sugaya amaanka magaalada

Waxaana mar marka qaar ciidamadaasi dhacda in xiliyda habeenki ay kala shakiyaan sidaasna ay isku dhac ku dhexmaran.

Wali wax war ah kama soo bixin oo ku aadan isku dhaca dhex maray ciidamada dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here