Golaha shacabka Oo maanta Codka Kalsoonida ah U Qaadaya Xukuumada magacaaban

0

Maanta oo Sabti ah Tariiqduna ay tahay  24 October, waxaa Kulankoodi  caadiga ahaa xarunta villa hargeysa ee magaalada muqdisho ku yeelanaya xildhibaanada  Golaha Shacabka Barlamaanka  Jamhuuriyada Faderaalka Somalia

Agendaha kulanka maanta ee xildhibaanada ayaa ah u Codeynta Kalsooni Siinta Xubnaha Golaha Wasiiradda Magacaaban iyo Barnaamijka Xukuumadda

Gudoomiyayaha golaha shacab ka mudane maxamed mursal sheikh cabdiraxmaan ayaa shir gudoomiya kulan ka maanta

Waxaana la sheegay in goor hore oo xalay ah fariimo loo diray  lagu wargaliyay in ay soo xaadiraan kulan maanta oo xasaasi ah

Xildhibaanada golaha shacabka oo ah barlamankii 10 aad ayaa waqtigooduyahay mid siidhamanaya

Waxaana horyaala sharciya dhowr ah oo ubaahan in la ansixiyo, iyadoona ay xusid mudantahay in xildhibaanadu ay kulamadoodi ugu dambeyay ay si degdeg ah ugu an sixinayeen sharciyo badan.

Maanta ayaa lafilaya in ay codka kalsoonida ah in ay siinayaan xukuumada cusub oo uu soo magacaabay raiisul wasaaraha xukuumada faderaalka Somalia maxamed xuseen rooble.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here