Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerarka qasaare kala duwan ay ka dhasheen oo la sheegay in uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada qansaxdheere ee gobolka bay
Dagalkaan ayaa waxa lasheegay in uu yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan alshabaab la sheegay in weerar ay ku qaadeen barkoontarool oo ciidamada dowladda ay kulahayeen degmada qansaxdheere ee gobolka bay
Waxaana la sheegay in uu ka dhashay qasaare in uu ka dhashay qsaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Wallow ay aan ilaa iyo hadada aan si dhab ah loo xaqiijin saraaha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi
Saraakiisha ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa maamulka ayaa sheegay in uu jiro iska hor imaad dhexmaray ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha alshabaab balse aysan jirin wax qasara ah oo ka soo gaaray weerarkaasi
Dhankale dagaalamayaasha alshabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarka ka dhacay degamada qansaxdheere ee gobolka bay
Waxaana al-shabaab wararka ay barahooda interneetka ku baahiyaan ay ku sheegeen in ay ku lab askari oo ka tirsan ciidamada dowladda islamarkaasna ay qasaaro gaariiyeen ciidamada dowladda
Dagaalkaan ayaa waxa uu imaana xilli maamulka koonfur ee soomaliya uu mudooyinkii dambe uu ku howlanaa furidada wadooyinka xiran ee deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo
Waxaana sidookale jirtay in madaxweynaha maamulka koonfur galbeed uu sheegay in ay tayeeynayaan ciidamada maamulka koonfur galbeed islamaraasna ay siinayaan tababaro dheerad ah oo ay ku soosaarayaan ciidamo tayaleh.

