Warar laga helayo deegaano ka tirsan degmada belad-xaawo ee gobolka geddo ayaa waxa ay sheegay in dagaal xoogan oo qasaare uu ka dhashay uu ka dhacay degmada balad xaawo ee gobolkaasi
Waxaana wararku ayaa sheegayaan in dagaalka uu u dhexeeyey ciidamo ka tirsan dowladda faderaalka somaliya iyo kuwa kenya islamarkaasna uu dagaalkan ka dhashay qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
qaar ka mid ah dadka deeganka ee ku sugan balad xaawo oo an la xariinay ayaa waxa ay inoo sheegeen in maqlayaan rasaasta iyo jug culus oo ay isweydaarsanayaan labada dhinac balse aysan xaqiijin Karin qasaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan ka dhacay degmada belad xaawo deegaan duleedka ka ah.
Dagaalka ayaa sheegay in uu ahaa mid saacado qaatay islamarkaasna istaagay waxaana dadka deegaanku ay inoo sheegeen in wadnaha ay farta ku hayaan ayna ka cabsi qabaan in markale dagaal uu halkaasi ka qarxo.
Warar ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ciidamada dowladda ay dhaqdhaqaayo ciidanka kawadan deegaano ka tirsan gobolka gedo.
Dagaalkan dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa kenya ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada kenya ayaa dhibaatooyin badan ay muddoyinkii dambe ugeysanayeen dadka shacab ah ee soomaaliyeed islamarkaasna la sheegay in ciidamada somaliyeed iyo maamulka gobolka gedo ay k caroodeen arintaas ay dagaal ugu jawaabeen ciidamada kenya.

