Wararka ka imaanaya magaalada cadaado ee gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayan in dagaal qasaare kala duwan geystay uu xalay ka dhacay afka hore xarunta barlamaanka maamulka galmudug.
Wararka aan ka helayno dagaalkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkan uu dhexmaray maleeshiya beeleed hubeysan iyo ciidamo nabad sugida ah oo ku sugnaa magalaada caadaado gaar ahaana afaafka hore xarunta barlamaanka maamulka galmudug.
Dagaalkaan ayaa waxaa la sheegay uu yimid ka gadaal markii la sheegay in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidamadii nabad sugida ahaa ee ku sugnaa afaafka hore ee xarunta barlamaanka galmudug ,Waxaana la sheegay in dagaalka uu ka dhashay qasaare kala duwan
Qasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa waxa lagu sheegay in uu yahay laba ruux oo dhaawac islamarkaasna waxa la sheegay in hal qof uu yahay shacab ah halka qofka kalana la sheegay in uu ahaa labadii dhinac ee dagaalantay
Wararka aan ka helayno magaalada cadaado ayaana sheegay in xaalada magaalada ay haatan ay dagantahay kadib dagaalkii ka dhacay afaafka hore xarunta barlamaanka
Waxaana la sheegay in maleeshiyadii hubeysnaa ay u ruqaanasadeenka dhanka duleedka magaalada cadaado
Majirto wax wara oo kasoo baxay laamaha amniga maamulka degmada cadaado oo looga hadlayo dagaalka ka dhacay afaafka hore ee xarunta barlamaanka maamulka galmudug

