Dadka shacabka ee ku dhaqan magalada caasimada ah ee muqdisho ayaa maanta banaaxbaxyo xoogan ka dhigay wadooyinka waaweyn ee muqdisho
Qaar ka mid gaadiidleyda muqdisho oo ka careysnaa xirnaa shaha wadooyinka ayaa maanta banaanbaxayo xoogan dhigay qeybo ka mid isgoosyada ku yaal magaalada casimada ah ee muqdisho.
Waxaana ka mid ahaa wadooyinka maantay ay ka dheeceen bananbaxyadu isgooska taraqa iyo sigaar iyo isgoosya kale oo kuyaala muqdisho.
Darawalada ka xeeya gawaarida dad weynaha oo banaanbaxyo ka dhigay muqdisho islamarkaasna la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in ay ka cabanayaan xirnaan shiyaha wadooyinka iyo lacago xaddhaaf ah oo lagu soo rogay
Waxa ay qaar ka mid ah darawalada oo lahadayay simbaa ayaa waxa ay tilmaameen in loo sheegay iny bixay ilaa iyo 30 kun ah oo shilinka somaligab ah marka ay u kala gooashayaan wadooyinka ku yaal degmooyinka gobolka banaadir hadii aysan mareynin
Waxa ay sheegeen darawaladu in aysan awoodin in ay bixiyaan lacagahaasi xaddhaafka ah maadaama ay xiran yihiin qaar ka mid ah wadoooyinka
Darawalada ka xeeya gaawaarida dadweynaha ayaana waxa ay madaxda dowladda ka codsadeen in ay ufuraan wadooyinka taasi oo ay sheegeen in dhibaatooyin badan ay ku qabaan .
Raiisul wasaaraha cusub ee dalka maxamed xuseen rooble ayaa dhawaan daahfuray qaar ka mid ah wadooyinka muqdisho oo laga qaaday dhagxaatii ku xirnayd taasi oo lagu furay qaar ka mid ah wadooyinkii dowladdu ay horay uxirtay
Sidookale warar aan helayno ayaa sheeya in ciidamada dowladdu ay maanta xireen wadooyin horleh oo ka tirsan magaalada caasimada ah ee muqdisho
Arintaasi oo walaac xoogan darawaladda ka xeeya gawaarida dad weynaha ee ka howlgala maagalada muqdisho

