Dalka Czech republic ayaa waxa uu xayiraado kale ku soo rogayaa dadka ku dhaqan dalkaas, xayiraadahaan ayaa lagu soo rogay skuulada, baararka iyo maqaaxiyaha, iyado qaraada Yurub ay ladaaladhaceyso xakameenta xanuunka covid-19.
Dalka Czech Republic ayaa hadda la daalaadhacaya xakameenta caabuqyada cusub ee xanuunka coronavirus, waxaana dalkaas laga mamnuucay isticmaalka alcoholada iyadoona maqaaxiyaha iyo baararka aan la ogoleen in lafuro.
Dalka Nederland waxaa la shaaciyay xayiraado hor leh, waxaa dalkaas uu dadka qasab kaga dhigay in ay xirtaan afxirka xiliga ay dibada guryahooda ku suganyihiin.
Isla markaana, wadamo madan oo ka mid ahqaarada Yurub ayaa tirada bukaanada uu xanuunka soo ritay ee la seexinayo isbitaalada ayaa aad u sii kaceysa.
Martin Hirsch oo ah madaxa Isbitaalada dowlada ee dalka Faransiiska ayaa ka diga qaybaha gargaarka degdega ah ee isbitaalada laga yaabaa in boqolkii 90% ay buuxdhaafaan ka hor dhamaadka toddobaadka xiga.
Maanta waxaa la filayaa in madaxweynaha dalka faransiiska Emmanuel Macron in shaaciyo xariiyaado lagu soo rogo qaar ka mid magaalooyin ka tirsan dalkaas oo ay mid tahay magaalada paris.

