Dagaaalka ka oogan gobalka Nagorno Karabakh ee u dhexeeya dalalka azerbajan iyo Armenia oo soo jiitamayay in ka badan 20 sano ayaa markale ka qarxay gobalka lagu muran sanyahay, waxa uuna sii galayaa toddobaadkii 3-aad.
Azerbahan ayaa waxa ay taagan tahay dib u hanashada gobalka lagu muran sanyahay ee Nogorno Karabakh uu yahay hawl aan wali dhamaan. Gabolkaan ayaa caalamka waxa uu uaqoonsan yahay in uu qayb ka yahay azerbajan, halka Armeniana ay iyana sheeganeyso in gobalkaas taariiq’ahaan uu ka mid yahay Armenia.
Azerbajan ayaa waxa ay Armenia ku eedeeysay in ay gantaalaha balastikada ah ay ku soo riday qayb ka mid magaalada Ganja oo ah magaalada afaraad ee ugu weyn azerbajan, armeniana waxa ay iyana dhankeeda baku ku eedeeysay in dad shacab ah ay madaafiic ku garaacday.
Dagaalkaan waxaa ku dhintay boqolaal ruux, halka ayna ku dhaawacmeen askar iyo shacab tira badan, iyadoo labada dhinac ay oglaadeen xabadjoojin balse ay durbadiiba ay burburtay xabadjoojintaas.
Iyadoo azerbajan iyo Armenia ay wadaan in dalalka kale ka dalbanayaan hubka noocyadiisa ka duwan.

