Villa Soomaaliya oo La Sheegay in Qorshe Ka Leedahay Furitaanka Wadooyinka Muqdisho+Dhageyso

0

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la sheegay in dano Siyaasadeed ay ka leedahay furitaanka Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho.

Siyaasi C/rashiid Macalin Gaas oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in dano Siyaasadeed laga leeyahay furitaanka Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho.

Waxa uu sheegay in furitaanka iyo Olalaha Doorashadda la isku soo aadiyay,islamarkaana qorshahaas ay Madaxtooyadda Soomaaliya wadato.

Inta badan waxaa xalay jidadka muhiim ka ah ee magaalada muqdisho laga qaaday dhagaxaanta ay horey dowladdu ay u dhigtay bartamaha magaaladda.

Isgoysyada laga qaaday baraha konroolada iyo dhagaxaanta waxaa kamid ah sanca siinay Seybiyano ,Tarbuunka , Shiikh Cali suufi iyo meelo kale ,sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Muddo ku dhow 3sano shacabka magaalada muqdisho ay ka cabanayeen xirnaanshaha wadooyinka waxaa shacabka iyo gaadiidka ay ku qabeen dhibaatooyin xoogan,iyadoona mar kala duwan dowladda ka codsaday in ay jidadka u furto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here