Inta badan waxaa xalay jidadka muhiim ka ah ee magaalada muqdisho laga qaaday dhagaxaanta ay horey dowladdu ay u dhigtay bartamaha magaaladda.
Isgoysyada laga qaaday baraha konroolada iyo dhagaxaanta waxaa kamid ah sanca siinay Seybiyano ,Tarbuunka , Shiikh Cali suufi iyo meelo kale ,sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Muddo ku dhow 3sano shacabka magaalada muqdisho ay ka cabanayeen xirnaanshaha wadooyinka waxaa shacabka iyo gaadiidka ay ku qabeen dhibaatooyin xoogan,iyadoona mar kala duwan dowladda ka codsaday in ay jidadka u furto.
Dhanka kale dhagaxaantii xalay laga qaaday wadooyinka woqooyiga Magaaladda muqdisho ayaa la geeyay qeybo kamid ah wadada Warshadaha Magaaladda Muqdisho.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loogu hadlaayo dhagaxaanta xalay laga qaaday wadooyinka Magaalada Muqdisho.

