Toogasho Ka Dhacday Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya askari ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Somaaliya oo barqanimadii maanta lagu dilay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay qeybta dharka lagu iibiyo ee Suuqa bakaraha waxaana geystay dhalinyaro bastooladdo ku hubeysneyd.

Mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta oo la hadlay idaacada Simba ayaa sheegay in askariga xiliga la tooganayay uu marayay qeybta dharka lagu iibiyo ee dhanka Suuqa,islamarkaana qeybaha sare ee jirka laga toogtay.

Goobjoogaha ayaa sidoo kale sheegay in ragga hubeysnaa ay goobta ka baxsadeen,islamarkaana meydka askariga goobta laga qaaday.

Dilka kadib ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ka sameeyay gudaha Suuqa waxaana hakad galay isku socodka dadka iyo Ganacsiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here