Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Ka Sameeyay Gobolka Bay

0

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee ka howlgala K/galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay magaalada Baydhabo ka waday howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha  Al-Shabaab.

 

Ciidamada ayaa wadooyinka waa weyn ee soo gala magaalada Baydhabo waxay ku baarayaan gaadiidka soo gala magaalada, iyagoo ka hortagaya falalka lidka ku ah amniga

Ciidanka oo feejignaan dheeri ah laga dareemayay ayaa waxay baarayaan dadka iyo gaadiidka soo gala magaalada Baydhabo, waxaana howlgalka si gaar ah looga sameeyay deegaanka Maaya-fuulka oo ah halka ay ka soo galayaan gaadiidka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee ku socda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka K/galbeed.

 

Mid ka mid ah Saraakiisha ciidanka nabad sugida ee ka howlgala deegaanada K/galbeed oo hoggaaminayay howlgal ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu yahay mid lagu baacsanayo dagaalamayaasha Al-Shabaab

 

Ciidamada amniga oo habeen iyo maalin u taagan sugida amniga ayaa haddana dhanka kale waxay fiiro gaar ah u leeyihiin ka hortagga falalka aminidara ah ee deegaanada koonfur galbeed

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here