Faahfaahino :- Dil Ka Dhacay Muqdisho

0

Warar dheeerad ah ayaa waxa soo baxay dil saacadii lasoo dhaafay wiil dhaliayaro loogu geeystay xaafad ka tirsan degmada dhankenley oo loo dalxiistago

Wararka aan ka helayno degmada dhankenley ayaa waxa ay sheegaan in kooxa hubeysan ay  wiil dhalinyara ah ku dileen xaafada aba gedo oo ka tirsan degamada dharkenley

Waxaana la sheegay in dilka kadib kooxdii hubeysnayd ay goobta iskaga baxsadeen

Qof  goobjooge ah ayaa idaacada simba u sheegay in rag hubeysan  wiil dhalinyara ah ku dileen halka looyaqaano cara guduudka oo tirsan xaafada aba gedo degmada dharkenley

Waxaana  uu sheegay kooxdani dilka u geestay wiilka dhaliyarada ah ay ahaayeen rag doonayay in dhac ay ugeestaan intaas kadibna ay ragaani wiilka toorey kala dheceen qeybaha kore ee jirkiisa

waxaana uu  timaamay in wiilka dhalinyarada ah uu ku geeriyooday isla goobta

Degmooyinka qaar ee gobolka banaadir inta badan waxaa ka dhaca falal lidi ku ah amniga

Iyadoona xiliyada habeen ay kooxa hubeysan dhac ugeestaan dadka shacab ka ah ee ku dhaqan magaalada mudisho

Mana ahan markii ugu horeysay oo fal nuucani oo kala ah uu ka dhaco degmada dharkenley kaasi oo ay rag hubeysan oo doonayay in ay dhacgeeystaan ay dad ku dilaan gudaha degamada dharkenley.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here