Dowladda kenya ayaa waxa ay digniin iyo hanjaabad culus usoo dirtay dowladda fedaraalka Somalia oo ku aadan arimaha ka jira xuduud beeneedka somlia iyo kenya
Wargeyska African Intelligence ayaa waxa uu ku waramayaan in shir xasaasi ah oo shir gudoominayay madaxweyanha dalka kenya u huuru kenyata islamarkaasna ay iskugu yimadeen golaha amaanka qaranka kenya ay digniin iyo hanjabad waxa ay usoo direen dowldda Somalia
Waxaana madaxda dowladda kenya ay shaaca ka qaadeen in hadii rabshado ka dhacan xuduudka Somalia iyo kenya ay rasas huwin doonan ciidamada Somalia
Sidookale waxa la sheegay in madaxweynaha dalka kenya uu amar buuxa ku siiyay taliyaasha ciidamada kenya in ay talaabo cad oo jawaab ah ay qaadan hadii ay rabshado ka dhacaan xuduudka labada dal
Xiisda udhaxeyasa labada dal ee kenya iyo Somalia ayaa waxa uu yimid ka mid marki ciidamada kenya ay afar qofood ay ka qafaasheen gudaha Somalia islamarkaasna ay dileen muuqaalana ay ka duubeen
Waxaana arintaasi si aad ah uga carooday ciidamada iyo maamulka dowladu ay geesay qeybo ka mid ah gobolka gedo iyagoona weerar xoogan ku qaaday ciidamada kenya
Muddoyinkii dambe ciidamada kenya ayaa kordhiyay tacadiayada ay ugeeysanayaan shacabka somaliyeed iyadoo ay xusid mudantahay in diyaadaraha kenya ay khamiistii aan soodhafnay duqeymo ay ka fuliyeen deegaano iyo tuuloyin udhaw ceel waaq
Wali majirto wax wara oo ka soo baxay madaxada dowladda faderaalka ah ee Somalia oo ku saabsan xiisada ka tagan xuduud beenadka ay wadagaan somliya iyo kenya marka laga reebo maamulka gobolka gedo oo wacad ku maray in aysan aqbbaleyn daandansiga ay waddo keenya

