Iyadoo deegaanada Maamulka hirshabeele ay muddoyinkii dambe ka taagnaaye qilaaf la xariira doorashada lagu waddo in ay ka dhacdo hirshabeele ayaa waxa masuuliyiin ka tirsan maamulka hirshabeele ay sheegeen in qilaaf xoogan uu san ka dhexjirin maamulka isla markaasna deegaanada maamulka hirshabeele ay ka dhaceyso doorasho xor iyo xalal ah
Wasaradaha arimaha gudaha maamulka hirshabeele ayaa waxa sheegtay in uu mamulka ugu sareya hirshabeele uu diyaar uyahay in uu qabto doorasho balse ay jiraan arima yayar oo iskajira iyadana ay xaal uraadinyaan
Wasiirka wasaarada arimaha gudaha maamulka hirshabeele ayaa waxa uu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan arimaha doorashada hirshabeele ee soo xulista xidhibaanada iyo dhisida maamulka cusub ee uu yeelanayo maamulka hirshabeele isagoo xusay in ay furantahay utartamiada madaxweynaha hirshabeele
Dhankale Wasiirka arimaha gudaha maamulka hirshabeele ayaa waxa uu xusay in maamulka hirshabeele uu san ka jirin wax qilaafa isagoo sheegay in ay jiran kala argtidu wanaansho oo kaliya islamarkaasna ay hada odayaasha dhaqanka iyo xubno ka tirsan maamulkuba ay diyaar uyihiin in xalwaara laga gaaro arimaha kala aragti duwanaanshiyaha yar ee jira
Hadalka wasiirka arimha gudaha hirshabeele ayaa waxa uu kusoo aadaya xili dhawaan ay jireen qilaaf la xariira arimaha doorashada lafilayo in ay ka dhacdo deegaanada maamulka hirshabeele
Waxaana xusid mudan in horay uu ujiray qilaaf laba dhinac ukala jabiyay madaxda mamaulka hirshabeele kaas oo u dhexeeyay madaxweynaha maamulka hirshabeele maxamed cabdi waare iyo gudoonka barlamaanka hirshabeele iyadoona aan wali la shacin wax xal ah oo arintaasi laga gaaray

