Faah-faahino:-Qof Meyd ah Oo lagu Arkay xaafad ka Tirsan Degmada Howlwadaag

0

Xaafad ka tirsan degmada  howlwadaag ee gobolkan banaadir saakay  waxaa lagu arkay meydka ruux rag kaasi oo meyd kiisa ay la sheegay in lasoo  dhigay inta udhaxeysa xaafada daallo iyo isgooska bar uwax gaar ahaana xaafada saalaama

Subaxnimada saakay ayaa waxa dadka deganka xaafada salaama ee u dhaw isgooska bar waxa ay sheegeen in ay kusoo ka ceen meyd ruuxan raga ah oo yaala wadada

Dadka arkay meyd ayaa waxa ay sheegeen in ruuxaan ay jirkiisa ka muuqdeen dhaawacyo fara badan ismarkaasna ay waxa ay sheegeen in ruuxan ay ka muuqatay in lagu dilay tooreyo iyo baangado

Ciidamada Dowladda gaar ahaa kuwa ciidamada boolis degmada howlwadaag ayaa waxa la sheegay in ay gaareen goobta uu yaalay meydka islamarkaasna ay xireen wadadooyinka soogala halka uu yaalay

Waxaana la sheegay in ciidamadu ay la waregeen meydka islamarkaasna ay geeyeen saldhiga degmada howlwadaag

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya meydka ruuxa raga ah ee laga helay inta udhaxeysa isgooska bar wax iyo xaafada daalo waxaana wararku qaar ay sheegayaan in ruuxan lagu dily halka

Wararka qaarna ay sheegayaan in baagado lagu dilay islamarkaasna la dulsaaray

Kooxdii ka dambeysay dilka ruuxan  ayaa la sheegay in ay baxsadeen aana laga ranayn cida ay ahaayeen

Sidookale waxa ay wararku ay sheegayaan in wali aan la aqoonsan meydka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here