Madaxweynaha dawladda FS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dawladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Kuwait uga tacsiyeeyey geerida Amiirkii dalkaas Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir oo saaka ku dhintay dalka Maraykanka, isagoo da’diisu ahayd 91-sano.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu tacsi gaar ah u diray Qoyska boqortooyada iyo eheladii uu ka baxay amiirka Kuwait, waxaana uu xusay in dawladda Kuwait iyo shacabkeeda uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo Soomaaliya, taas oo uu rajeynayo inay sii socoto, waxaana uu amiirka dhintay ku sifeeyey mid caan ku ahaa arrimaha samafalka.
Sidookale inta badan madaxda dalalka muslimiinta ah ayaa ka tcsiyadeeyay geerida ku timid AUN Amiirkii dalka Kuwait kaasi oo in muddo ah dalkaasi soo maamulayay ka hor poqornimadiisana in ka badan 40 sano dalka Kuwait ka ahaa wasiirka arimaha dibbada

