Waxaa hakad ku yimid duulimaadyadii diyaaradaha gudaha dalka ay ku aadi jireen Goboladda dalka Soomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in hay’addda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Soomaliya ay shaqo joojin ay ku sameysay mid kamid ah shirkadaha diyaaradaha taasina ay keentay in dhaaman shirkdaha duulimaadyada dalka ay shaqa joojin ay sameeyeen.
Dhanka kale boqolaal rakaab ah oo saaka aadi lahaa gobolada dalka, kana dhoofi lahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ku xayiran garoonka, muranka u dhaxeeya Shirkadaha Duulimaadyada Maxaliga iyo Hey’adda Duulista Hawada.
Waxaa haatan socda dadaalo ku aadan sidii loo xalin lahaa khilaafka taagan si duulimaadyadda ay u bilowdaan.

