Ku-xigeenka taliyaha ciidanka mareykanka ee hawgalka Afrika ee ( Africom) ee isku duwaha militariga iyo rayidka, safiir waaxeedka ee dowlda mareekanka Andrew Young iyo taliyaha hawgalada gaarka ah, ee ciidanka cirka ee mareekanka sareeye gaas Dagvin Anderson, ayaa waxa ay isla galeen socdaal qaatay muddo isbuuc ah ay ku booqanayeen saaxiibada wadamada dhaca bariga iyo galbeydka Africa inta lagu jiray 14-ka ilaa iyo 21-ka bshan sebtemper
Socdaalka ayaa waxa ka mid ah safar lagu marayo dalalka sida; somaliya, Djibouti Chad iyo Nigeria. Booqashada ayaa waxaa lagu bidhaamiyay ka go’nanshiyaha mareekanka hawlgalada uu ka wado qaarada afrika iyo deddaalka joogta ah ee lagu joogteynayo in cadaadis lagu saaro shabakadaha dagaal oogayaasha ah ee ku sugan bariga galbeydka Africa.
Ka go’naanshaha ciidamada nabad sugida ee Afrikaanka ah oo ku sugan bariga Africa iyo Sahel in ay ka hortagaan halista jirta ee ka imankarta kooxaha argagaxisada oo isbaheysiga la ah Kooxda ISIS iyo Al-qaeda oo dhiiragelineysaa kooxahaan sida ciidamadaan ay u difaacayaan dadweynahooda xili aan ixtiraameeno dhaqamadeen, ayuu yirri G. young waxa uuna intaasi raaciyay ‘’ ‘’waxa aan la shaqeyneenaa bahweynta balaaran ee Africa iyo saaxiibada caalamka si aan uga guuleysano kooxahaan isla markaana aynu abuurno xaalado badqab ah oo leh mustaqbal barwaaqo ah’’
Masuuliyiinta waxa ay si gaar ah wadahadalkooda diirada ugu saareen cadaadiska la saarayo Al-Shabaab in la sii wado, iyo inla iskakaashado hawlgalada ka dhanka ah kooxahaasi.

