Shalay sabtidii, dagaal muddo socday ayaa waxa uu ciidamada somaliya iyo Kuwa Kenya uu ku dhexmaray xalka ay labada dal wadaagaan masuuliyiin deegaan ah iyo goobjoogayaal ayaa waxa sheegeen ka dib markii ay ciidamada Kenya ay rasaas nool nool u adeegsadeen dad dhigayay dibadbaxyo looga soo horjeeday gumaadka ciidamada Kenya ay ku hayaan shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanka Bula Xawo.
Dhacdadaan ayaa wxa ay ka dhacday xuduud beenaadka magaalada Bula xaawo ee soomaaliya iyo inta u dhaxeeyso magaalada Mandhera ee Kenya.
Ilo wareedyo badan ayaa waxa ay sheegayan in dagaalka dhexmaray ciidanka soomaaliya iyo kuwa Kenya uu ka dhashay 3 ruux oo ay ciidamada Kenya si bartimaameed ah guryahooda uga soo saarteen ka dibna ay dil u gaysteen, ciidanka soomaaliyeed oo arrinkaas aad uga ku laaday ayaa sida dag ah uga falceliyay, iyagoona qaaday weeraray ay ku baacsadeen ciidanka Kenya.
Ciidamada Kenya ayaa rasaas ku riday dibadbaxayaal soomaali ah kuwaas oo u soo dhawaaday xeryaha ay ciidamada Kenya ku leeyihiin xadka Buula Xaawo ciidamada soomaaliyana waxa ay sido kale xeryo ku leeyihiin meel aan ka fogeen halkaas waxa ayna ku soo jawaabeen hub culus, taas oona socotay in mudda ah, taliyaha ciidanka booliiska ee Buula Xaawo Mohamed abdirahmaan ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee AFP.
Dhanka kale, Sarkaal ka tirsan ciidanka militariga Kenya ayaa waxa uu u sheegay AFP in xadka ay labada dal wadaagaan uu dagaal ku dhexmaray ciidanka soomaaliya iyo kuwa Kenya, dagaalkaas oo dhashay ka dib markii ciidanka Kenya ay raas u adeegsadeen dad dhigayay dibadbaxyada looga soo horjeeday ciidanka Kenya.

