Xildhibaanadda golaha shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo arbaca ah kulan ku yeelanaya xaruntooda ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa, kaddib fariinta guddoonka golaha ee ku aadanayd soo xaadiridana xildhibaanada.
Ajendaha kulanka ayaa ah hadal jeedinta madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeedin doona fadhiga golaha Shacabka.
Sidoo kale waxay u codeyn doonaan kalsooni siinta Ra”iisul-wasaaraha cusub ee xukummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, si uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa 17 bishaan u magacaabay xilka Ra”iisulwasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Raiisul wasaaraha magacaaban ee dalka ayaa hadal jeedintiisii ugu horeysay xildhibaanada golaha shacabka uga codsaday in kalsoonida ay siiyaan si uu uguto wajibaadkiisa qaran ee loo igmaday

