Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu magaaladda Muqdisho ka dagan yahay ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.
Kulanka ayaa looga hadlay dagaalka Al-shabaab,iyo sidii loo furi lahaa wadooyinka xiran ee Deeganadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in Ciidanka Xooga ay wadaan sidii guud ahaan Dalka looga sifeyn lahaa Alshabaab dhowaana ay bilaabi doonan furida wadooyinka iyo Xureynta Goobaha ay kaga harsan yihiin Deeganada Koonfur Galbeed .

