Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.
Qaraxa oo uu fuliyay nin isku soo xirey jaakadda Qaraxa ayaa ka dhacay Masaajid ku yaala Magaaladda Kismaayo, wuxuuna dhacay markii salaadda laga soo baxay kadib.
Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa dhimatay, 20-Kalana wey dhaawacmeen sida goobjoogayaal ay inoo sheegeen.
Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafi Raabi,iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

