Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Gaaray Gobolka Gedo

0

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Guddoomiye Shuute ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Doolow kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan degmadaas, kan Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.

Ugu horeen waxaa meesha ka hadlay gudoomiyaha gobalka gedo cusmaan nuur macalimuu waxa sheegay in ay ay soo dhawaynayaan gudoomiyaha iyo wafdiga uu hogaaminaayo asaga iyo shacabka ku dhaqan magaalada doolow ee gobalka gedo

Waxa uu sheegay in ay booqan doonan dhamaan degmooyinka ay ka koobantahay gobalka gedo  oo ay ugu horayso magaaala madaxda gobalka  gedo ee garbahaaray

dhana kale waxa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute

gudoomiyaha ayaa umahadceliyay dhawaan bulsha weenta ku dhaqan gobalk gedo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobalka gedo

gudoomiyaha maxkamada sare ayaa sidoo kale sheegay in uu ku faraxsanyahay imaatinka gobalka gedo gaar ahan degmada luuq oo uu sheegay in ay gobalka gedo ay tahy gobal qadiimi ah

waxaa kle uu sheegay in ay gedo ku sugnnaan ilaa ay dhamaanayaan shaqooyinka ay u imaadeen

ugu danbeen gudoomiye shuute ayaa sheegay in ay gedo ka hergalindoonan maxkamad aya ciidamada qalabka sida kula macaamiltami doonan dagaalamayaasha al shabaab

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berri uu degmada Balad-xaawo ka bilaabo dhageysiga dacwado la xariiro Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo falal amni darro ka ameeyay degmadaas.

Sidoo kale Guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute ayaa kulamo kala duwan la qaadan Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Gedo, isagoo kala hadli doono arrimo kala duwan

maalmihii la soo dhaafay waxa ka dhacayay qeyybo ka mid ah gobolka gedo dagaalo u dhexeeya Ciidanka Dowladda ee kal hore halkaas la geeyay, waxaana ugu dambeeysay maalintii shalay oo Balad-xaawo uu ka dhaxay dagaal geystay Khasaaro dhaawacyo ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here