Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa ku waramaya in Banaanbax uu ka socdo Magaaladaas.
Banaanbaxaan waxaa dhigaya Eheladda Ganacsade Xaaji Saciid Ciise (Saciid Addoon) oo ahaa ganacsade iyo Nabadoon caan ka ahaa magaaladda Kismaayo oo xalay lagu dilay magaaladda Kismaayo ee gobolka jubbadda Hoose.
Ehelada Nabadoonka iyo dadka kale ee banaanbaxa dhigaya ayaa tuhmaya in dilka uu salka ku hayo arimo siyaasadeed, waxa ayna meesha ka saareen in dilkaan ka dambeeyaan Xarakadda Al Shabaab.
Kooxo hubeysnaa ayaa xalay magaalada Kismaayo ku Dilay Ganacsade Xaaji Saciid Ciise (Saciid Addoon).
Maamulka Magaaladda kismaayo ayaa sheegay in dilka ay ka dambeyeen Al-shabaab,islamarkaana lagu raad joogo.

