Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Jabuuti iyo Kuwa Hirshabeelle ayaa haatan ka socda Degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Dadka Deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka labadda ciidan uu yimid kadib markii Maamulka degmada Jalalaqsi ay diideen in la hawada laga saaro Isgaarsiinta degmadda, taas oo mar walba la damin jiray,kadibna ay howlo miino baaris ah ay ciidamada Jabuuti sameyn jireen.
Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan howlgalka Amisom ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen dhammaan xarumaha maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in labadda Ciidan ay isku qabteen Ceelbiyood ku yaala Gudaha Degmadda.
Waxaa Jira Khasaare ka Dhashay Dagaalka ka socda Degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.