Ana Sayfa Wararka Ciidamadda Dowladda oo Qabtay Sarkaal Shabaab oo Dhaawac ah

Ciidamadda Dowladda oo Qabtay Sarkaal Shabaab oo Dhaawac ah

0
Ciidamadda Dowladda oo Qabtay Sarkaal Shabaab oo Dhaawac ah
Somalia's troops run through a doorway during an operation to flush out suspected al-Shebab elements at Elasha Biyaha June 2, 2012. Somalia's Al-Qaeda-linked Shebab insurgents this week confirmed the fall of one of their last remaining bases, the southern town of Afmadow, to African Union and allied forces. "The Mujahedeen fighters tactically withdrew from Afmadow this afternoon and the allied enemy forces have entered the city without fighting," Shebab commander Sheikh Mohamed Ibrahim told AFP by phone. "Our aim is to let the enemy expand its area of deployment so that we can inflict heavy losses on them," he added. AFP PHOTO / Mohamed ABDIWAHAB

Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah Saraakiisha Xarakadda Al-shabaab oo dhaawac ah.

Ciidanka Xoogga dalka oo hawlgal ugu dhaqaaqay deegaano ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Buulo Barde iyo Jalalaqsi ayaa kula dagaalamay dagaalyahano Shabaab-ka ka tirsan.

Sarkaalka lagu dhaawacay Howlgalka ayaa lagu hayaa Saldhig Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Hiiraan.

Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Sarkaalkaasi oo dhaawac ah, balse faah faahin kama aanay bixin waxa uu Shabaabka u qaban jiray iyo magaciisaba.

Hawlgalkan oo lagu sheegay in uu guuleystay ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Guutada 22ad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Baakay Daljir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here