Maamul Goboleedka Puntland ayaa dil ugu hanjabay dadka dagan Guryaha Danta Guud ee Magaaladda Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Cabdi (Abgaal), oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Garoowe ayaa sheegay in cid walba oo diida in ay ka baxdo guryaha danta guud la dili doono.
Waxa uu sheegay in dhowr jeer maamulka digniin u diray dadka heysta guryaha dowladda hayeeshee aysan ka jawaabin.
Ugu dambeyntii wasiirka ayaa amar ku siiyay ciidamadda amaanka Puntland in ay howlgal lagu banneynayo guryaha danta guud ka billaabaan ciddii ka hor timaadana toogtaan.